Cod-duube (Voice Talent)
Sharaxaadda shaqada
Waxaan dhisaynaa cod kombiyuutar oo af-Soomaali si fiican u akhriya. Si taas loo gaaro, waxaan u baahannahay qof noo duuba jumlado badan oo Soomaali ah. Codkaas ayaa markaas loo isticmaali doonaa in lagu akhriyo maqaallada Daahqaad.
Waajibaadka
- Akhrinta jumlado horey loo diyaariyay, mid mid, si dabiici ah.
- Duubis joogto ah ilaa la gaaro 15-20 saacadood oo cod nadiif ah.
- Isticmaalka barnaamijkeenna internetka (browser-ka ayaad ka duubaysaa).
- Ku celinta jumladaha aan si fiican u duubmin.
Shuruudaha loo baahan yahay
- Af-Soomaali oo afkaaga hooyo ah, cod cad, akhris fiican.
- Qol aamusan oo aan buuq lahayn.
- Internet iyo kombiyuutar ama taleefan casri ah.
- Waqti joogto ah oo maalintii 1-2 saacadood ah.
- Dulqaad. Tayada ayaa laga doonayaa, ma aha dhaqso.
Khibrad hore looma baahna. Waan ku tababari doonnaa.
Waxaan ku siin doonnaa
- Mushahar $400 bishii, toddobaad kasta lagu bixiyo (mobile money).
- Makarafoon aan kuu soo iibinno, adigana kuu haray.
- Hagitaan iyo tababar.
Sida loo codsado
Email u dir careers@daahqaad.com. Ku dar magacaaga, meesha aad joogto, iyo duubis 30 ilbiriqsi ah oo aad ku akhrinayso jumladan:
"Suuqa Bakaaraha waxaad ku arkaysaa jaamacad dhaqaale oo nool. Halkaa waxaa lagu bartaa gorgortan, kalsooni-dhisid iyo samir."
CodsoWaxaan la soo xiriiri doonnaa oo keliya dadka la doortay.